Hogaanka Sare ee Ahlu Sunna Waljamaaca oo maanta loo qaadayo dalka Itoobiya si ay u saxiixaan Heshiis
Urur Diimeedka Soomaaliyeed ee faca weyn, waa Ahlu Sunnee ayaa sida wararka ka imaanaya bartamaha Soomaaliya ay tilmaamayaan waxay maanta madaxdiisu u dhaqaaqeen dhanka magaalada Addis Ababa, oo ka sokoow magaala-madaxnimada dalka Itoobiya saldhig u ah Ururka mideeya Qaarada Afrika, AU.
Xubno shan ka kooban oo laga xusay Hogaamiye Ruuxeedka Ahlu Sunna Maxamuud Shiikh Xasan ayaa la xaqiijiyay in Dayuurad gaarihi ay ka qaaday magaalada Dhuusamareeb, xarunta maamulka gobolka Galgaduud.
Mas'uuliyiintan ayaa lagu wadaa in magaalada Addis Ababa ay Heshiis horay looga soo shaqeeyay qalinka kula duugaan Xukuumada Soomaaliya gaar ahaan Ra'iisal wasaare Sharma'arke, taas bedelkeedana waxaa la hadal hayaa in Jagooyin Ahlu Sunna looga qoondeeyo guud ahaan Hay'adaha Dowliga ah ee dalka.
Ahlu Sunna ayaa mudooyinkan dambe qeyb weyn ku lahyed dagaalada ka holcaya dalka Soomaaliya waxayna dhan kala soo jeedaan dowlada Soomaalida ee u dagaalameeysa sidii ay dalka uga saari laheyn jiritaankeeda u badbaadin laheyn xoogag Alshabaabku u tun weyn yahay oo lagu eedeeyo in Shidaalka ay ku shaqeeyaan lagaga soo shubo meelo aad uga fog dalka Soomaaliya.
Dhanka magaalada Caabduwaaq haddii aanu jaleecno waxaa maanta Shir jaraa'id ku qabtay xubno ka tirsan Ahlu Sunna, kuwaas oo si weyn u weeraray Heshiiska Dowlada iyo Suufiyiinta waxayna ku adkeeysteen in Heshiiskaas la wado uusan iyaga u cuntamin, madaxda aadayna aysan iyaga metlin.
Dalalka Bariga Afrika gaar ahaan Xukuumada Itoobiya ayaa lagu xamanayaan in ay xooga saareen isu keenida iyo weliba dhexdhexaadinta Dowlada Soomaaliya iyo Ahlu Sunna Waljamaaca maadaama labaduba meel uga soo wada jeedaan dagaalyahaniinta Alshabaab iyo Xisbul islaam.















































